Sheekooyin Gaagaaban.

 










1. Lacagtii way ii xalaalowday 

Beri baa garsoore baaritaan dheer kadib waxa uu xaqiijiyey in tuug la soo eedeeyey, uu beri ka yahay dambigii xaditaanka ahaa ee lagu soo oogay. 



Waxa uu garsoorihii ku yiri tuuggii “maxkamaddu waxa ay caddeynaysaa inaad beri ka tahay tuhunkii ahaa inaad lacag xaday.”




Markaas ayaa uu tuuggii farxad la qayliyey isaga oo leh “hadda ayey lacagteydu ii xalaalowday ee ha noolaato caddaalada.”

MURTI IYO MALE’AWAAL:


Dabkaaga ha u ogalaan inuu baqtiyo, mar kasta qoriba kan uu ka weyn sii saar.

2.Ka faa’iideyso fursadda 
Beri baa nin tuug ah inta uu u dhacay dukaamada dahabka lagu iibiyo mikood, ayaa uu xoogaa dahab ah ka xaday.




Askartii magaalada ayaa markii dambe baaritaan ku soo helay, ka dibna waxa ay geegeen maxkamada.


Qaadigii maxkamada ayaa markii uu dhageystay dacwaddii ku yiri tuugii “maxaad u xaday waxan oo dahab ah?”



Tuuggii ayaa inta uu xoogaa aamusay, markii dambe hadlay oo yiri “garsoore waxa aan ku arkay albaabka dukaankan warqad ku dhegan oo ay ku qoran tahay”ka faa’iideyso fursadda, ka dibna waan ka faa’ideystay.”


 MURTI IYO MALE’AWAAL:
U shaqee si aad u noolaato.





3. Yaa hor dhintay abubakar iyo cumar 
Beri baa nin doqon ah ayaa waxa la weydiiyey oo lagu yiri “cumar iyo abubakar kee baa fadli badnaa?”


Waxa uu si fudud u yiri “waxa fadhli badnaa cumar.”


Dadkii ayaa cilmigaa halkaa uu ka keenay garan waayey. Ka dibna waxay ku yiraahdeen “maxaad ku caddeynaysaa.”


Ninkii ayaa si degan oo fasiix ah u yiri “waxaa caddeynaya markii uu abuubakar dhintay cumar waxa uu ka qeyb galey aaskiisa, hase yeeshee markii cumar dhintay abuubakar kama soo qeyb gelin aaskiisa, taas ayaana kuu caddeynaysa.”


MURTI IYO MALE’AWAAL:
Qofka yiraahda waxa aan leeyahay hal nolol oo aan ku noolaado, kaasi ma garanayo sida buug loo akhriyo.

Xigasho murti  iyo maahmaah.

Post a Comment

Previous Post Next Post