Sidee loo diyaariyaa imtixankasto oo wax barasho laxariira

 

Habka imtixan loo diyaarsho



 

Sidee loo diyaariyaa  imtixankasto oo wax barasho laxariira


,Hantida ugu weyn ee ummadda Soomaaliyeed ay haysato ayaa ah maalgashiga da’yarta soo koraysa oo la diyaariyo ,  iyadoo la raacayo habab kala duwan oo lagu dhiiri galin  maankooda iyo maskaxdooda, korna loogu qaadayo heer kooda aqooneed.

haddaba waxaad u baahan tahay inaad raacdo habka ugu wanaagsan ee aad guul uga gaari kartid iyo in aad aqoon u lee dahay hanaanka loo diyaariyo imtixaanaadka , waa in aad aqoon u leedahy farsamoyinka imtixaanaadka loo diyarsado hadaad horay u taqanay iyo hadii aadna garaneynba waxaan halkaan ku soo gudbin doona farsamooyin cilmiyysan oo aad waxbadan kaga bedali karto imtxan diyarinta ,sidoo kale ma la kulantaa imtixaanaad isdaba joog ah ? haddaba waxaad u baahan tahay inaad raacdo habka ugu wanaagsan ee aad guul uga gaari kartid imtixaan diyaarinta.waxaa aad u wanaagsan in ardaygu marka horayba uu jaamacada ama iskuulka bilaabay in uu Akhriska horey u billoow si ay uga saaciddo marka la gaaro imtixanka una sahlanaato diyarintiisa. 

qorsheey waqtig aad heysato adigoo ku saleynaya madoyinkaaga sidda adigoo isku qeybinaya  maalmaha iyo maadooyinkaaga.

Tusaalo ahaan:  hadii imtixaanka  maalinta lagalayo ay ka harsantahy  afar isbuuc maadooyinka aad barato hadii ayihiin 7maado  isku qeybi halkii maado waxaa ku daraaseyn kartaa afar maalmood sidaas  oo kale  waxaad u bahantahy in aad ogaato halkii maado imisa cutub ayay ka koobantahy cutub waa  (chapter) hadii halkii maado  ay ka kobantahy 12 cutub   maalinkii waxaad diyaarin kartaa  sedax cutub.

 Qofku waa inuu sameeystaa qorshe cad oo uu raaco inta uu akhriska ku jiro maalin walba waxa uu akhrinayo, xilliga uu akhrinayo iyo inta saacadood uu cashar kasta akhrinayo, hana illaawin qorshahaaga inuu ka mid ahaado layliyo, imtixaanno yaryar iyo tijaabooyin aad adigu iska qaadeyso markasta oo aad cashar akhriskii dhammeyso.

Marka adigaa garan karo siddaa u qorsheyn lahayd itmtixaankaga tusalayaashan waxa ay ahaayeen meel ugu yaran aad ka shidalqadan karto isku diyaari safar gabaan oo ku saleysan maalmahaha imtixanka aad galeyso iyo maalmaha ka horeya ee aad  ku jirto  diyatrinta sahayda aad ugu tala gashay in aad kaga gudubto  cabsidda, wawalka ,muruga iyo

guuldaradda kaaga imaan karta  imtixaanka iyo ceebta lidnimo ee kuu horseedaysa in aad ka  hoos marto khayrkaa.

Diyaar garoow sameey maalmaha imtiixanka ka hor  marka imtixanka ku  bilaawdaba  oo diiradda saar  waliba adigoo xooga saaraya  melaha uu ka imaan  karo imtixaanka  hoostana ka xariiqo meelkasto oo nuxur ku jira  adigoo isticmaaloyo qalinka highlits marka waa inuu qofka yaqaan habka uu ugu diyaar garoobayo nooca imtixaanka ee sugaya. Sida oo kalana qofka imtixaanka galaya waa inuu ku tala galaa qaabka uu imtixaanka u imanaya inuu yahay qor, dooro, sharrax, iwm.

            Habka loo aqriy cashiradda imtixaanka.

marka ugu horeeysa soo aruurso waxkasto aas-aasiyaad  u ah imtxaankaaga , sidda  dhamaan  buugaagtaada , iyo buuga aad ku qoran jirtay nuqdooyinka  muhiimka kuu ah,

v Gurigaaga ama goob kale oo aad wax ku akhrisanaysid waa inaad ka dhexsamaysataa meel maktabad gaar kuu ah , si ‘aad wax ugu akhrisato.

Waa Inaad wax ku akhrisato meel degan oo aan lahayn wax buuq ah ama sawaxan, lahayn

Goobta aad wax ku ahrisanaysid waa inay lahaataa layr ama laambad muuqaal fiican leh, si aysan indhaha wax kaaga gaarin ama kuu xanuunin

Daraasad ay sameyay mircrosofts  cel-celiska  aadamaha  ee maaanta  malahan feejignaan dheeri ah oo ka  badan 8secon  laakin  cel-celiska  ka fiirasashadda  qotoda dheer leh iyo fahamka  dheeradka leh  waa in qofku 1saac ilaa 2saacadood uu ku cel-celshaa waxa uu aqrinayo, siddoo kale farsamada promadora Tichnique waxee soo minguurineysaa in  qofku uu wax aqriyo 25 ilaa 30minit uu xoga saro waxa uu aqrinayo ka dib qaado nasasho yar oo 5minute ah  markale ku celi islasidii oo kale ilaa lagagaaro waqtigii aad qabsatay.

sidoo kale waxaa  aad u fiican marka aad qadaneyso nashashadda 5minute inaa cabto biyo am shaax iyo wixii  la mid ah.

Aad u laba jibaar wax akhriska adigoo adegsanaya jadwal ku haga, maaddo kastana u samee waqti aad akhriso .

Waxaa muhiim ah in aad  diirada  saarto  cutubka guud ahaan in aad  faham guud ka heysato adigo  isticmalayaaa luuqadaada  hooyo, dul istaag cutubka,  mowduucyadda ku jira adigaa fahmaya marka aaad fahamto maadada dhan aadna  fikir guud iyo faham ka heysato waxaad gooni u shaandheysataa oo aad ka soo aruursatoo waxii su’aallo iyo  qeexitaano iyo abla ableyn ah adigoo ku soo guurinaayo buug yarahaadda  intii muhiimka ahyd ee aad so kobtay  ku dhawaad  20jireer ku celceli qaada nasasho  kadib  ku celi  ilaa  maskaxdaadu ay ka  nuugto macluumadkii aad ku celcelissy. Marka aad siddaa maaddo kasto u diyaariso, oo aad fahamty madadii aad diyaarisay markaan waxaa lagaa doonaya in aad sameyso  sidda  inaa naftaadda ku tijaabiso waxaad soo daraaseysay in aad baratay  iyo in kale farsamooyinka aad u baahantahy in aad sameyso waxaa ka mid ah, Tijaaba iska qaad" sida ugu wanaagsan oo aad akhriska guul uga gaari kartid isla-markaana wixi aad akhrisatay in aadan illoobin gacanka geysanaya ayaa waxay khubarada dhinaca waxbarashada ku tilmaamaan iney tahay tijaabada uu qofku iska qado,farasamadaasi waxay sida oo kale kaa caawineysaa inaad fahanato, oo aad xafido iyo inaad dib ugu laabato meelaha aad isleedahay waad ka liidataa,sida ugu wanaagsan ee aad tijaabada isaga qaadi kartid waxay tahay inaad qoraal ahaan isaga qaaddo ama iney cid kale ku weydiiso, ama waxaad sameyn kartaa in aad barre isu noqo haddaba, haddii aad muraajaca sameeysay, tijaabana aad iska qaadday maxaa xigaya? Waxaad  sameeysaa adiga isku sharax maadadii oo  tag sabuurada iskuna howl sidda inaa ardaybadan aad hortaagantahay oo aad wax u sharxeyso, qofkale inaad waxbarto waxay kaaga baahan tahay inaad si weyn isku  soo diyaariso cashar kasta oo aad dadka kale bari lahayd, intaas markaa sameyso waxaa kaloo u baahantahy in aad sameysato koox aaad  wax iskugu celisaan oo wixii  aad garanweysay kaa saacidda adna aad ka saacidid marka aad koox tihiin waxaa kuu sahlanaanaayo in aad dhaxdiina kala ,faaideysataan  oo waxaad heleysaa intaa soo diyaarsatay in ka badan in aad ka faaido kooxdada aad wax wadda diyarsaneysaan.

Waxaynu halkaan ka galayna  waxyaabaha lagaa doonyo in aad sameyso marka aad diyarsaneyso imtixanka:,

Noqo qof firfircoon, oo xamaasadeysan naftadda ka dhaadhici in aad samayn karto oo guuleysan karto, u ifikir si togan, malinta iskuulka ama jamacada ay ku dhawaaqaan goorta ay imtixanka uu bilaawandoono waxaad naftaadda ka dhaadhcisaa oo naftaada hoos ulla qalweysaa in aad kagaari karto meelsare  dhibcaha ugu badana aad ka keeni karto  kuuna horseedaya kaalinta  koowaad

sameey jimicsi  Markasta oo aad cashar ama maaddo akhriskeed aad dhammeyso waa inaad sameeysataa wakhti kooban oo aad ku nasato inta aad akhris kale u gudbin.

           Markaad imtixaanaadka tijaabada iska qaadeysid waxuu cadaadis xooggan  soo        fuulaya jirkaaga iyo maskaaxdaadaba sidaad darteed nasashadu waa lagama maarmaan waxaad  samayn kartaa wax yar in aad jirka jimicsi  u samayso ama aad in labo daqiiqo ah aad ku dhex socsocatid goobta aad wax ku aqrineyso waxay qeyb wayn  ka qaadaneysaa in aad markale     hayaan kale aad gasho oo aad howshadii si firfircoon aad ugu dhiirato

Waa in marka hora  aad bilaabeyso imtixaan diyaarinta   soo diyarsataa sida biyo ama shaxa iyo  wxlm

Markaad kaligaa wax akhrisanaysid hoosta ka xariiqo waxaad garan weydid saad hadhow u weydiiso saaxiibadaa ama macallinkaaga .

Kashaqee imtixaanadii aad gashay intii sanad dugsiyeedku socday sida imtixaankii teeramka ama haaf teeraamka iyo kuwii lagalay. Hadaad arday jamacadeedtahy, sidaas oo kale sameey

Isku day inaad dib u sawirto sawirada muhiimka ah sida Maps, qalfoofaha, qaybaha jirka , dhirta kuna dhegso derbiga gurigaaga saad markasta isha u marisid ,hadhowna aad usoo xasuusatid

si joogto ah u xaadir fasalka hana goyn maalmaha Muraajacada am naqtiinka , il gaarana ku hay meelaha ay macallimiintu farta ku godaan ama ay ku celceliyaan waa meelaha badanaa ay kayimaadaan su’aalaha imtixaanku.

Si fiican u hubso maaddada aad beri galaysid oo jadwalka kuugu qoran iyo waqtiga imtixaanku bilaaban Adoono iyo weliba goobta aad kugalaysid imtixaanka.

Diyaarso dhammaan agabka imtixaanka, sida Qalimaanta, ID ga iskoolka, Kambaska, goonta ama tirtire, kalkuleeetarka, Saacadda waqtiga, Unifoomka iskoolka, iyo waraaqaha imtixaanka lagu galayo ahaddii lagu dhaho soo qaado.waqti horena seexo habeenkii , subixiina waqti hore kac.

Weeso qaado siina tuko labo rakcadood oo Sunne ah, kaddibna ducayso , Tagna goobta imtixaanka waqti hore saadan imtixaanka uga daahin .

Iska ilaali adoo gaajaysan inaad imtixaanka aado waayo gaajadu waxay sababaysaa ilowshe waxaad akhrisay, aadna ha isugu badin cuntada ,wax kooban oo kugu filan cun.

 Markaa fasalka  imtxanka ku jirto samay qodobdaan soo socd

           Ku bilow Bisinka iyo duco saad u dareento deganaan , iskana dami telefoonka ama

             codka xir  jeeb kana gasho.Hana nixin waxaad soo baratay uun baa lagu weydiin .

Akhri tilmaaha dhammaan qaybaha imtixaanku ka Kooban yahay si aad u ogaato inta laga shaqaynayo iyo , inta laga tagi karo, kuwa khasabka ah in laga shaqeeyo iyo wixii la halmaala.

Hubi in ay kuu dhan yihiin waraaqihii imtixaanka iyo agabkii kaloo aad isticmaali lahayd, Kuna bilow inaad qortid magacaaga iyo fasalka aad tahay iyo ID lambaarkaaga

ka jawaab ugu horayn su’aalaha fud-fudud (sida kuwa sax iyo khalad ka ah iyo kuwa doorashashada ah ) kadib ku xiji kuwa dhex-dhexaadkaa iyo kuwa adag

Ku qor jawaabtaada far muuqata oo la akhrin karo, tirtirkana iska ilaali ,waa suurtagal jawaab kuu saxan in macallinku fartaada fahmiwaayo , sidaa awgeed ku dadaal qurxinta fartaada.

 Haddaad su’aal jawaab u waydid haka tagin iyadoo maran  ee ku buuxi jawaabta ugu dhow ama waxa aad u malaysid .

Ha ka bixin imtixanka adoon hubin dhamman jawaabahaaga, iskuna fiiri su’aalaha lagu weydiiyey iyo jawaabahaa ka bixisay inay isku dheelitiran yihiin

 Ha eegan arday hebel wuu baxaye adna bax , balse isku day inaad imtixaankaaga kawada jawaabato iskana hubisid adoo waqtiga ilaashanaya,degdegu waa calaamadaha shaydaanka, ee ka digtoonow mar walba.

 Marna niyadda hagashan inaad qish samaysid ama cid wax u qishtid waxaa suurtagal ah in adi imtixaanka lagaa saaro oo lagaaa kansalo ,sharci ahaana.

Dhaqsi in la seexdo

Hurdo kuugu filan seexo habeenki inaad hurda kuugu filan inaa seexato waa lagama maarmaan gaar ahaan habeenada imtixaanka aad geleyso iyo habeenada aad diyarineyso  akhriskaaga, qaacidadanna waxay shaqeeyneysaa inta maalmood ee aad akhriska ku guda jirto, si wanaagsan oo uu qofku habeenki u seexdo waxay ka caawineyso inuu horay hurdada uga tooso oo akhriska billaabo, waxayna hurdada wanaagsan gacan ka geysaneysaa inuu qorshahaaga maalinka uu hagaago, iyo in uu qofku wax xifdin wangsan sameeyo maalinka uu wax aqrinayo gaar ahaan galinka hore ee aroortii siddoo kale ma wanaagsano in uu qofku muraajaceeyo habeenki hurdadad ka hor  maadaamaa qofka xilligaa uu daallan yahay maskaxdana ay ku adkaaneyso iney waxwalba sidooda u qaadato.

Waxyaabaha inaa ka fogaato lagaa rabo marka kujirto imtixan diyaarinta.

Iska illoow waxyaabaha  qiyaaliga ah ee kutiri ku teenta ah sidda imtixaanka  waxaa lagu keenayaa cutubkaas iyo tubkaan  markasta naftaadda ku kalsoonoow.

Ka fogoow isticmaalka taleefanka iyo computerka iyo waxkasto  oo dib kuu dhigi kara sidda taleefanka oo aan aad u isticmalno,balse taleefanka wuxuu leeyahay faa'idooyin badan marka dhanka wanaagga laga eego balse barnaamijyada baraha bulshada uu xiriirkooda fududeeyo taleefanka gacanta inta badan waxay caqabad ku noqdaan akhriska qofka, tijaabooyin horay loo sameeyey ayaa waxay sheegayaan markasta oo taleefankaaga aad wakhti badan gelisid, inuu hoos u dhacayo natiijada aad imtixaanka ka keeneysid.

Maalmaha imtixaanka iska jooji ama yaree isticmaalka baraha bulshada sida Facebook, Whatsapp, sido kale iska jooji daawashada TV-yada, isticmaalka badan ee Teleefonka

sidoo kale jooji dhageysiga heesaha  sababtoo ah waxay qalbiga ku sababaan qalbimadoobaad. Badalkooda dhageyso qur’aanka  kariimKa ah

 

          cuntooyinka maskaxda u fican marka imtixanka aad diyaineyso

Jidhkeenna si waajibaadkiisa uu sidi la rabay uu ugu guto waxaa loo baahan yahay in ahmiyadda la saaro cuntooyinka nafaqada leh ee dabiiciga ah.

Daraasadda ayaa waxay tilmaameysaa dadka gaar ahaanna ardayda cuntooyinka wanaagsan ku qureecdo iney ku wanaagsan yihiin xagga imtixaanaadka maadaamaa ay qureecda awood u siineyso inuu xusuusto wixi uu soo akhriyo xilliga uu imtixaanka iisu diyaarinayey.

Sida oo kalana cunnooyinka borotiinka laga helo sida caanaha, caanaha garoorka iyo ukunta.

Cunnooyinka kale ee awoodda xifdinta maskaxda sare u qaado waxaa ka mid ah: Ukunta, kalluunka iyo saliiddiisa, hadhuudhka, koostada, kaabajka, xabuubka, avocado iyo khudaarta cagaaran ee kale.

Cunnooyinkana waxay ku sii wanaagsan yihiin iney marwalba isku dheella tirnaadaan xilliga ku habboonna aad qaadato

 HALKAAN KA DHAGEYSO QORAALKAAN OO MAQAL

PART ONE. Riix halkaan 

PART TWO. RIIX HALKAN

 



Post a Comment

Previous Post Next Post