GUUSHII MORGA FREEMAN.

 









GUUSHII MORGA FREEMAN.



 Hiigsigii dhaliyay guushii Morgan Freeman

Sababta dad badani uga aaminsan yihiin fikir qaldan guushu waa iyagoo arka ,uun natiijada ugu dambaysa ee shaqo adag oo uu qof soo qabtay, isla

markaana umaleeya inay nasiib ahayd.








Wali ma maqashay sheekada nin la yidhaa Morgan Freeman.

Haddii aad waxbadan daawato filimada hollywood-ka waxa laga yaabaa inaad

ogtahay inuu ka mid yahay aktarada hollywoodka loogu tixgalinta badan yahay,

ee ku guulaystay marar badan bilada filimada ee loo yaqaano (Oscar prize).





Taasi waa waxay dhab ahaan ka yaqaanaan dadku  badan koodda akteerkan, balse wax fikrad

ah maka haysataa halgankii uu soo maray ka hor inta aanu noqon akteer caan

ah oo guulo waawayn gaadhay.

Sheekadii Morgan Freeman

Morgan freeman wuxuu ku dhashay dalka maraykanka taariikhdu markay

ahayd 1937, waqtigaasi oo ku beegnaa waqtigii midab takoor lagu hayay dadka

madoowga ah, cunsiriyad xoogan ayaa uga jirtay , oo ay ugu wacan tahay dhibaatadan iyo

cadaaadiskaa midab takoorka, qoyskiisii waxay go'aansadeen inay u guuraan

meel kale si ay u helaan nolol ka fiican tan waqtiga ka jirtay dalkooda.





Morgan wuxuu jeclaa inuu noqdo aktar, lacagtiisa iyo waqtigiisa inta ugu badana wuxuu ku bixin jiray si uu  u daawado aflaamta. Marar badan waxa uu

isku dayay inuu noqdo aktar balse kumuu guulaysan. Waqti aad u dheer

kadibna wuxuu is arkay isagoo duuliye ama pilot ka ah diyaaradaha milateriga.




Waqti kadib Morgan wuxuu xaqiiqsaday in mihnada uu dhab ahaan u jecelyahay ay tahay akteernimada, waxaanu go'aansaday inuu daba socdo oo

aanu ka hadhin sidii uu actar u noqon lahaa. 





Morgan da'diisii waxay gaadhay

45 jir isagoon wax guul weyn ah gaadhin. Laakiin muu niyad jabin wuxuu sii

wado iskudaygiiba, wuxuu guulaystay markay da'diisu gaadhay 50 jir ilaa uu

kama dambaystii matalay filimada caanka.






Markay da'diisu noqotay 67 jir Morgan Freeman wuxuu ku guulaystay bilada

aflaamta kadib jilidiisii loo wada bogay ee filimkii la magac baxay "Million dollar

baby"




Casharada laga bartay noloshii Morgan Freeman.

1) Waxaad u malaynaysaa inaad ka habsaantay xiligaad riyooyinkaaga

eryan lahayd? Wuxuu guul gaadhay markay da'diisu noqotay 67 sano

jir: ma u malaynaysaa inaad da' waynaatay? Morgan freeman wuxuu

bilaabay inuu guulaysto markii ay da'diisu noqotay 50 jir. Haddii aad u

jeelantahay oo aad jeceshahay inaad ku guulaysato wax, wali maad

habsaamin.

2) Ma Nasiibaa ? mise waa Adkaysi ?: qofku si uu guul u gaadho waa inuu

la kulmaa guul darooyin badan.








 Morgan Freeman wuxuu guuldaraystay

marar badan ilaa ay da'diisu gaadhay 40 jir isagoon wax guul ah gaadhin,

balse maadaama oo uu ahaa qof aad u adkaysi badan wuxuu maareeyay

inuu ku guulaysto riyadiisii markuu 50 jir gaadhay. Dhinaca kale arintani

nasiib ma'aha balse waa ku celcelin badan ilaa aad ka gaadhayso waxa

aad rabto.







3) Raac Oo ka shaqee waxa aad jeceshahay: kuma lihi kuma guulaysan

kartid shay haddii aanad jeclayn balse dhab ahaan waxay noqon doontaa

mid aad kuugu fudud inaad ku guulaysato waxaad jeceshahay marka la

barbardhigo ku guulaysiga wax aad neceb tahay. Hel waxa aad

Jeceshay oo hiwaayadda ah , ama hibadaada ah oo qabashadiisa aad ku raaxeysanayso

Xigasho:   qoraalka xigasho c/risaaq farax cawad.

Post a Comment

Previous Post Next Post