Sidee guul lagu gaaraa, ibraahim ELFIQI

 Guushii   Ibrahim Elfiqi







Guushii Ibrahim Alfiki waa  guul  wayn  oo u qalanta in la sheego. I brahim Alfiki waa ruug caddaa aqoontahan ahaa u huray noloshiisa intii ugu badnay inuu dadka kale baro sida looga gudbo caqabadaha ka hor yimaada intay ku jiraan socdaalka ay guusha ku rabaan. Ibrahim alfiki wuxuu noloshiisa intii ugu badnayd ku bixiyay sidii uu u faafin lahaa fikir iyo akhlaaq togan iyo dhisidda ruuxda qofka.



 

Wuxuu u arkay Taariikhda iyo sooyaalka  noloshiisa inay tahay tusaalaha ugu fiican ee qof gaaray caanimo ballaaran iyo lacag isagoo kaliya aaminsanaa riyooyinkiisa ilaa ay dhab ka noqotay.

Noloshii Hore Ee Ibrahim Alfiki iyo Sida Uu Heerka KU gaaray.

Ibraahim Alfiqi noloshiisii hore waxay ahayd mid ka duwan nolosha dadka kale. Wuxuu ku dhashay dalka Masar sanadku markuu ahaa 1950. Wuxuu degree jaamacada ee ugu horeeyay ku qaatay kuliyada dalxiiska iyo Huteelada. Kadib qalin jabintiisii waxay sanadku markuu ahaa 1978 isaga iyo xaaskiisii u socdaaleen dalka Canada si ay u helaan nolol fiican. Markii uu yimiday dadkii uu la kulmay ee Canada joogay waxay u sheegeen inuu dalkiisii iskaga noqdo maadaama aanay waqtigaa wadanka ka jirtay camal la'aani Ba’an. Ibrahim Alfiki lacagtii uu markaa haystay waxay ahayd $1000 ilaa 1500$  oo kaliya dareenkaa xoogan muu niyad jabin balse Ibrahim wuxuu bilaabay inuu shaqo raadsado.

 

Wuxuu galay waraysi shaqo mid kamid ah huteelada dalka waxaanu u sheegay maamulihii hoteelku "Kuma haboonid shaqada huteealada" Ibrahim wuxuu ka tagay halkii isagoo niyad jabsan balse wuxuu go'aansaday in aanu quusan.

 

Laba maalmood gudahoodna wuxuu helay laba shaqo. Labada shaqo tii ugu fiicnayd waxay ahayd inuu   dhaqo   weelalka cuntada laga cuno mid ka mid ah hoteelada dalkaasi. Inkastoo shaqadaasi aanay ahayn tii ugu fiicanayd hadana wuu aqbalay shaqadii isagoo ku adkaystay inuu socdaalkan kasoo bilaabo meel aad u hooseysa ilaa uu ka gaaray meel sare.

 

Ibrahim wuxuu si dag-dag ah horumar uga sameeyay shaqadiisii marba marka ka dambaysay wuu sii dalacayay ilaa uu markii dambe noqday maamulihii huteelka, intaa kadibna wuxuu ku guulaystay abaalmarin ah maamulaha ugu fiican hotelka ugy fiican ee waqooyiga America, intaa kadib hadana wuxuu noqday mid kamid ah dhiirigaliyaayasha ugu weyn ee dalka Canada, dhamaan Carabta iyo Wadamo kaloo badan.

 

Ibrahim wuxuu   casuumay ninkii huteelka lahaa ee markii ugu horeysay diiday intii ay ku jireen wada hadalkoodana wuxuu u sheegay inuu yahay wiilkii yaraa ee barigii diiday.

 

Dulucda guushii ibraahim. Maxaynu Ka Barran Karnaa dadadaalkii iyo adkeysigii ibraahim:

Dadka Guulaha gaaray Wax Muhiimad ah ma siiyaan diidmada:

 Ibrahim Alfiqi wuxuu takhasus-kiisu ahaa Hoteelada aqoon badana wuu u lahaa, balse markii ugu horeysay waxaa loo sheegay inaanu ku haboonayn ka shaqaynta huteelada, balse wuxuu ahaa qof aaminsan naftiisa dhagna umuu dhigin diidmadii lagala horyimiday ilaa uu markii dambe u cadeeyay qofkii diidanaa qaladkiisa. Hadii aad rabto inaad nolosha guul ka gaadho waa inaad ilawdaa diidmooyinka sababtoo badankoodu wax micno ah ma sameeyaa.

 

Aamin Naftaada: Sideebuu qof uu sii wadan karaa socdaalkiisa isagoo la kulmaya diidmooyin badan hadana aan rajo dhigayn? Dhamaan dadka guulaha gaadhay waxay si adag u aaminsanaayeen naftooda taasina waa sababta diidmooyinku aanay u gilgilin kalsoonida ay ka qabaan naftooda

Post a Comment

Previous Post Next Post