Sidee loo bedalaa caaddooyinka xun-xun

 


1. Caaddo maxaaa la dhahaa?

2. Sidee ku abuur mataa?

3. Mala bedali karaa caado xun?

4. Qaabkee loo bedalaa

5.Yaa caaddo isk bedali kara?

6. Caaddo cusub in aad yeelato maxaad u baahantahy?

Caaddo maxaaa la dhahaa?



Qeexitaano koob koobanCaaddo Waa wax aad la qabsatay ee aad samayn kartid adigoon aad uga fakarayn ayaa loo yaqaan caado. 

Naftaaduna waxay hore ula qabsatay ayaa uga fudud inay qabato wax ku cusub.. Caadada waa ficil ama hab dhaqan aad si joogta ah u samayanyso, adigoona dadaal adag bixinaynin si aad u samayso shaygaas, maalinle ama markasta , waqti gaar ah , Ayaa caado la oran karaa.

  Caadooyinku waa waxa ugu saamaynta wayn ee door muhiim ah ka qaata qofka horumarkiisa.. Hadaad noloshaada dib u milicsato waxaa kuu muuqan doonta inaad inta badan waqtigaga hab-raacdid caadooyin naftaadu la qabsatay. 


Caadooyin kuna waxay isugu jiraan in horumarkaaga u wanagsan oo hormar kugu jiheeya iyo in guul daro iyo in aad khayrkaa ka harto[hadho.] Ku dhaxalsiiya. 

“ caado waa joogteyn shay ku soo noq nqoday qabashadiisa waqti fara badan oo ay naftaadda bartay”

 Sidee ku abuur mataa?    

 Sida laga soo xigtay khubarada Cilmi-nafsiga Maanta, caadooyinka waxay samesmaan marka caaddo cusub timaaddo midaas oo toos ah laguna dhaqo wacyiga ugu yar ee ficilka maanka qofka miyir-qabka ah. 

Taasi waa sababta "habdhaqanka ee aan ku celcelino inta badan waxay si dhab ah ugu dhejismaan dariiqyada neerfaha qofka." 


 Hadaan tusaalo ka soo min guurino buugga” the power of habit”.     Qoraagu-: wuxuu oranaya in caado waxeey ka koobantahy sedax waxyaabood oo asal u ah sameysanka caadooyinka.    

 1. KICIN, Waa shay-ga naftaada xasuusiya inay qabato fal cadooyin kaada ka mid ah.  

 

  2. FICIL, Waa fal caado kuu ah u samaysid, waliba si ‘automatic’ ah (adigoon ka fakarinba).  3. Abaal-marin: Abaal-gudka naftaadu hesho markay fal caado u ah samayso..                  Xeerka caadda u sameysmato                   Kooban waa  Kicin+ficil+abaal-marin= caado

  • Tusaale ahaanhadaad rabtid inaad akhris bilawdo , sidan baad caado uga dhigan kartaa:  Kicin, habeenkii diyaarso buuga aad rabta in aad akhris dhigo meel aad durbadiiba aad ka arki karto si subaxdii markaad soo toosto tilmaan kugu noqdo buuga in aad akhriso aad dooneyso.    Ficil, marka aad aragto isla markaas ba soo qabso oo akhri shan daqiiqaba ha noqoto..   Abaal-marin, waxaad dareemeysaa in aad naanta caado cusub aad bilawday aadna rabto inaa jogteyso.   Saddexdaa talaabo hadaad maalin kasta samaysid hadhow waxaad arki doontaa adigoo si ‘automatic’ ah u samaynaya. Markaad halkaa maraysidna , waxaad is arkeysaa adigoo caaddo kuu noqotay wax akhrinta.  
  •   Mala bedali karaa caado xun?    Caadooyinka xunxun ayaa ka dhigaya safarka nolol dheer, oo kaamilaya waxayna kaa fogeyneysaa inaad gaarto nooca ugu fiican naftaada. 
  • Adigoon ka warqabin maalinba maalinta ka dambeysa waxaad burburineysaa caafimaadkaaga maskaxeed iyo jireed waxaadna arkeysaa inaad waqti iyo tamabar ku lumineyso. 
  •  Sida loo bedalo caadooyinka horumarkaaga aan ka qeyb ahyn.   Marka hore ogow in caadooyinku yihiin wax la bedeli karo,  Qof walba wuxuu leeyay in ka badan 50 caado oo iskugu jira qaar xun iyo qaar waanaagsan. Markaad ogaatid inaad caadooyinkaaga bedeli kartid waxaad awood u yeelanaysaa inaad caadooyinka dib u dhaca kugu haya ku bedeshid qaar ku horumarinaya..  Caadada sal u ah horumar la’aantaada ugu hor bedel.
  •   Waa inaad qiyaastid caadada horumarkaaga ugu daran kadibna iyada ugu hor bedeshaa. Markaad caadadan ku guulaysatid inaad bedesho waxaad ka helaysaa dhiirigalin aad ku bedeshid caadooyinkaaga kale ee xun.   
  • Jimicsi joogto ah bilow.  Hadaad caado ka dhigatid inaad si joogto ah u jimicsatid waxa kuu hawl yaraanaysa inaad ka takhalustid caadooyinkaaga xun. Matalan, hadaad bilowdid inaad maalin kasta orodid waxad dareemi doontaa tamar iyo firfircooni ku nacsiisa wahsigii iyo fadhigii badnaa ee caadada kuu ahaa.  Naftaada xakamee.  
  •    Hadaad markasta fudayd iyo raaxo raadisid waxaad yeelanaysaa caadooyin badan oo xun sida wahsi, hurdo iyo cunto siyaado ah iyo hadal bilaa faaido ah. Caadada xun markaad ku bedelaysid caado wanaagsan waxay leeday dareen gaar ah Markaa isbedelkaad raadinaysid kuma guulaysan kartid hadaanad adkeysi yeelan ood naftaadana xakamayn. 
  •   Waxa jira dad badan oo maskax fiican aqoona leh hadana wax horumar ah nolosha ka gaadhin. Dhanka kale, waxa jira dad aan aqoon badan lahayn hadana horumar badan ku talaabsaday. Hadaad u fiirsatid waxaad ogaan doontaa in kuwa horumaray ay yihiin kuwa caadaystay xakamaynta naftooda.   



  •      Qaabkee loo bedalaa.  Marka hore allaah talo saaro , marka xigtana , isticmaal qaacidadda ah aan kor ku so xusnay oo ah Kicin+ficil+abaal-marin.   Sidee u isticmaaleysaa Tusaalle.   Waxaad lee dahay caaddo sigaar cabis ah.    Marka aad aragto baakadda sigaar ka ah ama qof cabaya isla markaas aad dareento xaraaradda sigaarka waxaad sameyneysa oo la imaaneysaa ficil ah inaa booska aad sigaarka ka cabi lahyd inaa booskiisa ku bedasho wax kale sidda inaa lows cunta canjo kuleel cunto ,     Qaacidda qeybta ugu dambeysa waxaad is arkeysaa adigoo wax xiisa ah kugu hayn lkn waxaad u baahantagy waqti inaa galiso joogteynta caadda cusub si ay booska uga saarto midii hore.  Yaa caaddo isk bedali kara?Qofkii ay dhab ka tahay oo go’aan qaato doonayana in uu caaddo wanagsan sameesto ee u doonaya sidda uu neefta uu qaadanayo sidda uu ugu baahan yahy qof u doonaya sidaas oo kale oo go’aan adag la yimaadda aan ahyn maalin caado bedal maalina isla caadadii ku soo laabo qofkaas ma samayn kara is bedal caaddo laakiin qofka go’aan adag baa bedali kara farsamooyinka aan kor ku soo xusnayna adeegsadda.     
  • Caaddo cusub in aad yeelato maxaad u baahantahy?        Waa in aad naftaadda kala dagaalanto  Qodobadda soo socda.   
  • Dib u dhigashadda waxa naftaadda u wangsan ama aad dooneysa inaa saneyso isla markaa sameey.
  •  Wehsidda waa dilaaga ugu weyn horumarkaaga
  • Caajiska waa maashinka soo diyaariya wahsiga waa hooyadda wahsiga
  • Go’aan qaadashadda jilacsan

Gunaanad laylis u sameey noloshaadda

Oo ku tijaabi caadooyin yaryar oo sameey wax yaabo yar yar oo aad bedasho ayaa noqonaya is bedalo waaweyn

Xigashooyinka qoraal keyga waxaan ka soo min guurinay

Labadda buug ee kale ah

Atomic Habits by James Clear

 The power of habit Charles Duhigg

Halkaan guji si aad u hesho tixraac.   https://youtu.be/OMbsGBlpP30

https://youtu.be/5Ws2WfeD6d8

https://youtu.be/ZaVYJe9HL3I

https://youtu.be/U_nzqnXWvSo

Guul wacan

Maxaa jeclaan lahyd inaa qoraal ka soo diyaarino aragtd iyo ra yigaaga waa into muhiim...

Post a Comment

Previous Post Next Post